Cumar Cabdulle oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

Kooxo Hubeysnaa ayaa galabta magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxa ay ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa oo ka xeynayay Mooto Bajaaj.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cumar Cabdulle oo loo yaqaanay (Cumar fashion),wuxuuna ahaa aabe dhawaan guursaday,wuxuuna ka baxay mid kamid ah Jaamacadaha ku yaala Magaaladda.

Cumar ayaa la sheegay in uu nolasha qoyskiisa ku dabari jirey mooto bajaajka,balse maanta ay kooxo hubeysnaa ay ku dileen magaaladda muqdisho.

Ala ha u Naxariistee Cumar Cabdulle oo loo yaqaanay (Cumar fashion) ayaa galabta lagu aasay magaaladda Muqdisho.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.