Ciimada AMISOM oo Qarax Lagula eegtay Sh\dhexe

Wararka ka imaanaya  degaanno ka tirsan Gobalka Shabeelaalla Dhexe ayaa ku warramaya in ciidamada AMISOM qarax lagula eegtay inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in tuulo lagu lagu magaacabo Gololey uu ka dhacay qaraxa oo ahaa Miinada Dhulka Lagu aaso.

Goobjoogayaal ku sugan tuulada ay wax ka dheceen ayaa  inoo sheegay in qaraxa lala eegtay ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa,iyaga oo sheegay inay qaraxaasi khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Burundi oo kamid ah Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.