Ciidanka Dowladda oo Tooratooroow Kala Wareegay Shabaab+Sawirro

Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya  ayaa la wareegay Degaanka Tooratooroow ee Gobolka Sh,Hose.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa la wareegay Tooratoorow, waxaana  sidoo kale ay ciidanku gacanta ku dhigeen horjoogihii ugu sarreeyay ee Al-shabaab ugu magacownaa Tooratoorow, waxaan ay dowladdu sheegatay in hadda gacanta ku hayaan degaankaas iiyo masuulkii Al-shabaab ee Tooratooroow.

Waxaa sidoo kale ay la wareegeen ciidanka  xaruumihii ay ku shaqayn jireen Al-shabab ee degaankaas, ma jirto wax faah-faahin dheeraad ah oo laga hayo la wareegitaanka ay ciidanka dowladdu ay la waregeen tooratoorow.

Tooratooroow ayaa ahayd meel ay Al-shabaab si weyn u maamuli jireen, waxaana  ay ku lahaayeen maxkamad inta badan ay Al-shaabaab dadka ugu kala gar-naqi jireen, waxaana jiray dad badan oo u caddaalad doonan jiray maxkamadda Al-shabaab ee Degaan kaas oo ahayd meel Al-shabaab ay ku xooggan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.