Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degaanka xeebte ee Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose.
Diyaaradaha Droneska Mareykanka ayaa gantaal ku dhuftay saldhig ay Al-shabaab ay ku lahayeen degaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose.
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Danab ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen degaanka isla markaana ka fuliyay Howlgal qorsheysan.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgal qorsheysan lagu bur buriyay saldhigii Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha degaanka Jilib Marko.
Saraakiisha Danab waxa ay xaqiijiyeen howlgalka lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo xilal muhiim ah ka haayay shabaab iyo ku dhawaad 22 dagalame oo ka tirsan Al-shabaab
Saraakisha lagu dilay weerarka ayaa lagu kala magacabaa Abuu Yaasiin Sheikh Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka gobolka shabellada Hoose iyo Maxamuud Abuu Xamza ayaa la sheegay inuu dhawaan kasoo laabtay dalka Siiriya
Saraakiisha Danab waxa ay ugu dambeynti sheegeen in gacanta lagu soo dhigay Afar gadiid ay Al-shabaab ku diyaariyeen walxaha qaraxa kaasi oo Al-shabaab ay la damacsanayeen xasuuqa dadka shacabka.