Ciidanka Booliska Soomaliland oo Gacanta Ku Dhigay Lacago Dollar-ka Madow ah

Ciidamada ammaanka Booliska Somaliland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howl gallo ka sameeynayeen degaanno iyo degmooyin ka tirsan maamulka Smaliland, waxaana la sheegay in ay ciidanku gacanta kusoo dhigeen lacag farabadan oo ah Dollar been abuur ah iyo qamri farabadan sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Booliska Somaliland.

Baaritaanada lagu soo qabtay lacagtaan  Dollarka madow ah ayaa waxaa ay ciidamadu kasameeyeen magaalooyin waaweyn ee maamulka Somaliland, waxaana magaalooyinka Hargeysa iyo Burco laga helay sida lasheegay qamri iyo lacag Dollar ah oo been abuur ah.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliland Feysal Xiis ayaa sheegay in dadka dollarka been abuurka ah ay doonayeen in ay dadka dadka bedeshaan lacagta Soomaaliland laga isticmaalo taas oo bulshada dhibaat ku ah.

Waxaa la sheegay in falkaan loo soo qabtay dad gaaraya lix ruux oo lagu eedeeyay in ay falkaan ku lug lahaayeen, shan ayaa rag ah sida la sheegay halka qofka kalena ay tahay hawenay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.