spot_img

Ciidamo katisan Koonfur Galbeed Oo Lagu Dilay Magaalada Beydhabo

Warar aan ka helayno Gobolka Bay ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan dowladda lagu dilay Magaalada Beydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay

kooxa hubeysan ayaa waxa la sheegay in guddaha magaalada beydhabo ay ku toogteen laba askari oo katirsan kuwa maamulka koonfur galbeed

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilka askartaan ,waxaana ay sheegteen howlgalo ay sameeyeen xubno ka tirsan ay dileen labadaan askari

Al-shabaab ayaa warar ay ku baahiyaan dhinaca interneetka waxa ay ku sheegteen in Weerar qorsheysan oo ay  fuliyeen beydhabo in hoyga deganaayeen magaalada Baydhaba ugu ugu dheceen askartani  ka dibna ay halkaas ku wada toogteen labada askari oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Xambal iyo Dambiil Walaba si gaar ahna uga tirsanaa ciidamada maamulka Koonfur galbeed.

Al-shabaab warkasoo baxay ayaa lagu sheegay in askartani ay ahayeen kuwa baasaasiin u ahaa maamulka koonfur galbeed

waxaana ay sheegeen in si gaar dambiil walaba uu ahaa shaqsi jaajus ah oo inta badan wararka utiftifi jiray ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka koonfur galbeed

 

 

 

Related Post

Wararka