Ciidamo Ka Tirsan Haram-cad oo Caawa Lagu Qarxiyay Duleedka Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Caawa ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaaladda muqdisho.

Qaraxaan ayaa lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Haramcad ee sida gaarka ah u tababaran,kuwaasi oo Howlgal kusii socday.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen dhowr askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Ciidamadda la qarxiyay uu hogaaminayay Farxaan Qaroole,balse uu ka badbaaday.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.