Ciidamo Hor Leh oo Ka Tirsan Militariga Dalka Itoobiya oo Ku Wajahan Jubbaland

Wararka ka imaanayo Degmada Luuq ayaa kusoo waramaya in Cutubyo hor leh oo ka tirisan Ciidanka Milatariga Itoopiya ay halkaas kasoo Gud bayaan Islamrkaan ay gudaha usoo galayaan Soomaliya  kuwaas oo qeyb ka noqonaya Ciidamada Cusub  ee Meleteriga Itoopiya ee  dhawaan soo galay  Gobolka Gedo islamarkaana la tilmaamay in ay qeyb ka noqonayaan Ciidamadda Howlgalka AMISOM gaar ahaan Ciidamada ka Socda Wadanka Itoopiya .

Wararka ka imaanayo Degmada Luuq ayaa sheegaya in Ciidanka Meleteriga Dalka Itoopiya  ay Dhaqdhaqaaqyo culus maanta ka wadaan halkaas ayagoo sidoo kale  hawada ka saaray isgaarsinta waxana la xaqiijiyey in halkaas ay ka soo gubinayaan Cutubto cusub oo oo ka mid noqonaya Ciidamadda meleteriya ee Dalka Itoopiya islamarkaan ka howl galayo  Gobolka Gedo

Mas ‘uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa Idaacada Simba ee Magaalada Muqdusho u sheegey in dhaqaaqyada ka soconaya Gobolka Gedo ay wadaan   Ciidamadan Dalka itoopiya ay yihiin kuwo xadgudub  ku ah Madax banaanida iyo Jiritaanka Soomaaliya waxa ayna xuseen in Ciidanka  cusub ee meleteriga Dalka Itoopiya oo  qaar kood ay Isbuucyo  ka hor  soo galeen guhada Soomaaliya  ay yihin kuwo aaan ku socon Waajibadka howl galka  AMISOM waxa ayna tilmaameen in ay yihiin kuwo taageerayo Dowladda Federalka Soomaaliya islamarkaana Qal- qal galinaya  Maamul Goboleedka  Jubbaland.

Sidookale waxa ay sheegeen in Ciidamada AMISOM ee xilligaan ku sugan Deeganada Jubbaland ee ka kala socda qaybaha kala duwan ee howl galka  Ciimada AMISOM siiba Ciidanka Dalka kenya iyo sidoo kale Ciidamada Daraawiishta ee Dowlad Goboledka  Jubbaland ay ku Filan yihiin Aminga Deegaanada Jubbaland islamarkaana aysan jirin Sabab ay Dowladada Federalka Itoopiya  ay Ciidamo  ugu Soo dirto Soomaaliya waxa ayna intaas kudareen in Dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka   Dal banayaan in ay joojiyaan Abaabul ay  sheegen in ay kaga  soo horjeedaan Maamulka  jubbaland isla markaana ay u Adeegsanayaan Ciidamada Meleteriga Dalka Itooopiya  .

Ciidamada Dalka itoopiya ee maanta gaarey Degamada Luuq oo lagu Eedeeynayo in ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Jiritaanka Maamulka Jubbaland ayaa yimid iyadoo Maalmo ka hor Wasiirka  aminga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur Janan Uu Ciidamo Geeyey Degmada Ceelwaaq ee Gobolka gedo  kuwaas oo Midba midka kale uu ku Eedeynayo In uu isagu Wado Qalqal ka dhan ah  Aminga  Dadka ku Nool Gobolkaasi Gedo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.