spot_img

Ciidamo Gadood ka Sameeyey Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud

Warar ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya In ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Galmudug in ay Gadood ka sameeyeen Magaaladaa Cadaado

Ciidamada Gadoodka ka sameeyay  Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in ay u Ruqaansadeen dhanka Magaalada Galinsoor ee isla Gobolka Galgaduud

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Gadoodka sameeyay in ay ahaayeen Ilaalada Madaxtooyada dowlada Goboleedka Galmudug

Dhanka kale Wali wax War kama soo bixin Maamulka Galmudug ay kaga Hadlayaan ciidamada Gadoodka ka sameeyay Magaalada Cadaado

 

 

 

Related Post

Wararka