Ciidamadii Dowladda Soomaliya Geysay Gedo oo Jubbaland Isku Dhiibaya

Maamulka Jubba-land ayaa sheegay in mar kale ay isku soo dhiibeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la geeyay Gobalka Gedo.

Mas’uul ka Tirsan Maamulka Jubbaland oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in tiro askar oo dowladda geysay Degmooyinka Gedo, ay kusoo biireen Maamulka Jubba-land.

Waxa uu sheegay in ay ku qanci waayeen habka dowladda u geysay Gobolka Gedo,oo aysan joogin Dagaalyahanada al-shabaab marka laga reebo deegaano kooban.

Mas’uulka la hadlay idaacadda Simba ma uusan sheegin tirada ciidamadda Dowladda ee Jubbaland isku soo dhiibay iyo xiliga ay isa soo dhiibeen.

Dhawaan Afhayeenka wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa sheegay in ciidamaddii dowladda geysay Gobolka Gedo ay isku soo dhiibeen Jubbaland.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo),ayaa sheegay In ciidamadda Dowladda geysay Gobolka gedo ee jubbaland qorshahooda uu yahay ilaalinta xaduudaha dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.