Ciidamadda Dowladda oo Isaga Baxay Ceelka geeloow iyo Raaxooy, Shabaab oo La Wareegay

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in ciidamdda Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta Saldhigyo Ciidamadda dowladda ay baneeyeen oo ku yaallo Gobolkaas.

Saldhigyadda Al-Shabaab ay la wareegeen ayaa kala ah Ceelka geeloow iyo Raaxooy oo ku dhow deegaanka Qalimow ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho u sheegay in ciidamo gaaraya 300-askari ay faarujiyeen saldhigyadii deegaankaas,islamarkaana ay usoo baxeyn dhanka magaaladda muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loogu hadlaayo ciidamadda kasoo baxay saldhigyadii Shabeelaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.