Ciidamadda Dowladda oo Howlgal Ku Qabtay Laba Xubnood Al-shabaab ka tirsanaa

Xili labadii maalin ee ugu dambeeysay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ay kawadeen howlgalo lagu bur-burinayay degaanada ay ku dhuumaaleeysanayaan al-shabaab ayaa howlgalkii baaritaanka ay ka sameeyeen degaanada mubaarak iyo daarul-salaam waxeey kusoo qabteen horjoogayaal iyo Ciidamo katirsan al-shabaab.

Howlgalka oo ay fulinayeen ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo gor-gor ayaa waxeey gacanta kusoo dhigeen Madaxii  sirdoonka gobolka shabeelada hoose Macalin Bilaal Jeeylaani Nuure iyo Cabdulaahi Maxamed Cabdi oo kamid ahaa Madaxda sar –sare ee maxkamada gobolka shabeelada hoose Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga Dalka G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, ayaa xaqiijiyay warkaan.

Taliyaha ayaa sidookale sheegay in lasoo qabtay Ciidamo gaarayo 5 kuwaasi oo ay ciidanka howlgalka kusoo qabteen.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska ayaa kordhiyay baacsiga al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.