Ciidamadda amaanka Maamulka Puntland ayaa mar kale xabsiga dhigay siyaasiga Caanka ah ee Dr. Muuse Cali Jaamac.
Siyaasigaan ayaa lagu eedeeyay in isaga iyo odayaal kale ay Jimcihii la soo dhaafay dhaliilo kala duwan u jeediyeen xukuumadda Puntland oo uu hogaamiyo Madaxweyne Saciid C/laahi Deni.
Sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka tirsan Puntland siyaasigaan ayaa laga qabtay Gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, wuxuuna haatan ku xiran yahay xabsiga weyn ee Boosaaso.
13 October ee sannadkaan ayaa sidaan oo kale Boosaaso loogu xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale dhaliilo u jeediyeen xukuumadda Puntland, balse saddex maalmood kadib 16 October ayaa la sheegay in lagu sii daayay cafis-maxkamadeed.