Ciidamada Miletariga Soomaaliya oo Ku Wajahan Degaanka Shabeellow

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in ciidamadda Dowlada Soomaaliya ay ruqaansadeen Degaanka Shabeellow oo qiyaastii 20KM dhanka bari kaga beegan Degmada Bacaadweyn ee Gobolkaas.

Degaanka Shabeellow waxaa saaka ka dhacay Dagaal culus oo dhexmaray Al-shabaab iyo Dadka Degaanka  kadib markii Malayshiyaadka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Shabeellow inkastoo aan weli la xaqiijin Khasaara rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degaanka Shabeellow ayaa sheegay in Shabaab loogu awood sheegtay dagaalka ka dhacay Deegaanka.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ciidamadda Dowladda Soomaaliya, ay deegaanka kusoo wajahan yihiin,si Shabaab kaga adkaadaan.