spot_img

Ciidamada Maamulka Hirshabeele Oo Howlgalo Culus ka Fuliyay Baladweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa Saacadiihii lasoo dhaafay howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo waxa ay ka sameeyeen xalay qaybo kamida xaafadaha Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
iyadoo Ciidamadu ay baarayeen dadka iyo gaadiidka.

Howlgalkan ayay Saraakiisha Ciidamada ammaanka waxa ay ku sheegeen ujeedkiisu in uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa ama loo adkayn lahaa amniga Guud ee Magaalada Baladweyne Maadama Baladweyne ay kamid tahay Magaalooyinka loo asteeyay in ay dhawaan kadhacaan doorashada xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Howgaladaan ayaa kusoo beegmaya xili dhawaanahaan ay aheyd markii xubno ka tirsan alshabaab ay weeraro culus ka fuliyeen Deegaano hoostaga magaalada baladweyne ee Xarunta Gobolka hiiraan taas oo keentay in wax laiska weydiiyo amaanka magaalada

Saraakiisha Ciidamadda Dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa ka dalbaday dad reer hiiraan in sugida amaanka ay ku garabsiiyaan Ciidamadda

Related Post

Wararka