spot_img

Ciidamada kenya Oo Lagu Weeraray Deegaan katirsan Jubbada Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya  weerar xoogaan oo saacadiihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan duleedka ka ah magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose

Weerarkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno Katirsan dagaalamasha Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeeb saldhig Ciidamada kenya ay ku lahaayeen deegaanka jaziirada kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose
Intaasi kadib waxa la sheegay in uu dhacay iska hor,imaad in muddo ah socday oo dhexmaray ciidamada kenya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab
Waxaana lagu soo waramayaa in weerarkaan uu ka dhashay khasaare kala duwan

Alshabaab ayaa Guulo ka sheegtay weerarkaan
Waxaana ay sheegeen in khasaaro ay ku gaarsiiyeen Ciidamada kenya

Alshabaab wararka ay ku baahiyeen dhinaca intermeetka kuma aysan cadeyn in uu la egyahay khasaarahaasi.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka kenya oo looga hadalayo weerkaan lala beegsaday Ciidamada kenya

Deegaanka kudhaa ayaa inta badan waxa ka dhaca weerar xliyada habeenkii lagu qaado saldhigyada ciidamada kenya iyo kuwa Daraawiishta dowlad goboleedka jubbaland

Related Post

Wararka