Ciidamada Dowladda oo isaga Baxay Toora-toorow,Al-Shabaab oo Qabsaday

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in ciidamadda Danab ee Dowladda Soomaaliya ay xalay isaga baxeyn Deegaanka Toora-toorow ee Gobolkaas.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in ciidamadda Danab iyo Kuwa Mareykanka ay xalay waqti dambe faarujiyeen deegaanka,kadib markii duhurnimadii shalay ay la wareegeen,madaama shabaab ay isaga baxeyn.

Ciidanka Danab ayaa gacanta ku dhigay horjoogihii ugu sareeyay maxkamadda Al-Shabaab ee deegaankaas.

Sidoo kale waxa ay burburiyeen xarumihii Al-shabaab ay ku lahaayeen Tooratoorow.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ciidamadda aysan ka bixi doonin deegaanka,ayna la wareegi doonaan deegaano kale.

Deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose wuxuu ahaa deegaan istiraatiiji u ahaa shabaab, waxaa halkaas ku yaallay Maxkamad lagu qaado dacwadaha.

Sidoo kale waxaa deegaankaas looga yeeri jiray ganacsadaha iyo dadka isku heysta dacwadaha kala duwan sida dhulalka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.