spot_img

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Muqdisho

Ciidamada Amaanka Dowladda ayaa xalay markale howlgalo culus ka fuliyay xaafadaha Qaar ee Degmooyinka Gobolka Banaadir

Howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in ujeedkoodu uu ahaa ka hortaga dadka dhaca ka geysta xaafadaha Degmada iyo kuwa isticmaalaya waxyaabaha maanka dooriya oo sababi kara falal amniga daro

Ciidamada Booliiska Degmada Xamar Jajab ayaa xalay Howgalo dad dhaliyaro ubadnaa  lagu soo qabqabtay ka sameeyay xaafadaha Degmadaasi

Waxaana la sheegay in Ciidamadu ay si gaar ah baaritaano kala duwan ugu sameynayeen dadka iyo gaadiidka

Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab ayaa horkcayay howlgalka

Waxaana dhalinyadii howlgalka lagu soo qabqabtay ay ka dalbadeen in ay Ciidamada amaan kala dhageeyaan sugida amniga

Ugu dambeeyn maamulka Degmada Xamar Jajab ayaa dhalinyarada kula dardaramay in aysan naftooda qatar galin oo aysan isku dayin falal dhac iyo wax la mid ah

Dhankale Ciidamada Dowladda ayaa Sidookale xalay  markale howlgalo balaaran ka fuliyay xaafadaha Degmada hodan ee Gobolka Banaadir

Related Post

Wararka