Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Ka Sameeyay Duleedka Dhuusamareeb

warar ka imaanaya gobolka galmaguud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamada dowladda ay saacadihii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka fuliyeen duleedka magaalada dhuusamareeb
howlgalkaan ayaa waxa la sheegay in u jeedkiisu uu ahaa xaqiijinta amniga magalaada dhuusamreeb iyo deegaanada hoosyimada halkaasi oo ay ku suganyihiin xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab
saraakiisha ciidamada xooga ayaa waxa ay guulo ka sheegteen howlgaladii ay ciidamada dowladdu ay nsameeyeen,waxaana ay sheegeen in howlgalku uu u dhacay sidii loogu dalagalay islamarkaasna ay ku doonayeen in ay howlkaan kula dagaalamaan al-shabaab ayna kaga saaraan deegaanada dhaca gobolka galgaduud.
Taliyaha Qaybta 21-aad Gen. Maxamed Cadoow Cali “Sanka” ayaa Kormeer dhiiri-galin ah ah ku gaarey Ciidamada Xoogga Dalka Ururka 71-aad, Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad oo Howlgal culus kawada duleedka Magaalada Dhuusamareeb.
Taliyaha ayaa Ciidamadan iyo Saraakiisha hoggaamisa ku amaaney howlgaladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen oo lagu wiiqay iskudayadii dagaalamayaasha al-shabaab ay ka wadeen Miyiga fog ee Magaalada dhuusamreeb.
saraakiisha ciidamada dowladdu ma aysan sheegin qasaaraha ka dhashay howlkaan iyo in wax dad ama hub ah oo ay kusoo qabteen.
Ciidamada dowladda ayaa muddoyinkii dambe kordhiyay ay ka fulinayaan deegaanada hoosyimada gobolka galgaduud ,waxaana dhowr jeer oo hore ay guulo ka sheegteen howlgalo halkaasi ka dhacay.