Carruur Xaalad Nolol Xumo ugu Geeriyooday Kaam Ku Yaalla Muqdisho

Kaam ku yaalla degmada kaxda ee Gobolkani Banaadir ayaa waxaa xaalad caafimaad darro ugu geeriyooday afar carruur ah oo laba ay isku qoys yihiin, kuwaas oo dhawaan kasoo bara kacay gobolada dalka kana mid ahaa barakacyaal ku noolaa kaaam ku yaalla degmada kaxda ee gobolka Banaadir.

Shariifo Daahir oo madax ka ah kaamka ayaa idaacadda Simba u sheegtay in  mid ka mid ah carruurtu uu xalay nafaqo darro ugu geeriyooday kaamka, waxaana dhowr habeen ka hor jadeeco iyo cuduro kale ugu geeriyooday kaamka sedex caruur ah oo laba mataano yihiin, sidoo kale waxaa ay sheegtay in  ay jirto xaalad nolol xumo oo guud, taasoo keentay in caruurt geeriyoodaan, waxaana jirta cabsi xooggan oo laga qabo in uu dillaaco cudurka Shuban biyoodka oo si fudud ugu baahi kara gudaha kaamka.

Dhanka kale shaeiifo waxaa ay sheegtay in ay u gudbiyeen guddoomiyaha degmada kaxda iyo guddoomiye waaxeed yada  xaaladda ay ku sugan yihiin dadkaan barakacayaasha ah, balse aysan waxaba ka qaban dhibaatada haysata dadkaan danyarta ah, sidoo kale waxaa ay sheegtay in ay la xariireen hay’ adaha gar gaarka ee ka howlgala gudaha dalka, ayna u sheegeen xaalada barakaca yaashaan ku sugan kaamka, balse ma jirto cid cabashadooda ka jawaabtay oo wax u qabatay dadkaan ku dhibaataysan kaamka, waxaana ay ka codsatay cid waliba oo gacan ka gaysan karta sidii loo bad-baadin lahaa barakacayaashan ku dhibataysan kaamka in ay sid deg deg ah usoo gaaraan waxna ay u qabtaan.

Waxaa jira barakacyaal aad u fara badan kuwaas xalad nolol xumo ay ku haysato kaamamkii ay kusoo degeen, waxaana dhacda inta badan in aan laga jawaabin qayla dhaanta kasoo yeeraysa danyarta ku dhibaataysan kaamamka muqdisho iyo kuwa Gobolada.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.