spot_img

Cali yare:-“Maamul Gobolka Banadir Ma Hoostago Wasaaradda Amniga”,!

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aysan amaro ka qaadan doonin wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa sheegay in cid aanan aheyn maamulka gobolka hadda kadib lagala tacaamuli doonin arrimaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan amniga.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha  in Gobolka Banaadir uu la mid yahay Maamul Goboleedyadda kale ee dalka ka jira.

“Inta doorashada lagu jiro maamulka gobolka Banaadir wuxuu u madax bannaan yahay taladiisa, siyaasaddiisa iyo amnigiisa,ma jiro qof kale oo arrintaas amniga ku saabsan lagala tacaamuli karo nooc kasta oo ay tahay, waxaan ula simanahay wasaaradda amniga sida gobollada kale ee Soomalaiyeed, haddii aan waraaqaha wasaaradda amniga ka socon karin Boosaaso, Dhuusamareeb, Jowhar iyo Baydhabo ma jirto sabab culeys gaar ah loo saaro gobolka Banaadir” ayuu yiri Cali Yare Cali.

 

Related Post

Wararka