Booliska oo Xiray Askar Lagu Tuhmaayo Dilkii Taliye Maxaadeey Suleeymaan.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xiray askar ku sugneyd bar koontarool oo ku taala Nawaaxiga Ex Baar Shabeelle.

Askarta ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dilkii xalay Taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsanaa Ciidanka xoogga dalka qeybta Kumaandooska, Maxaadeey Suleeymaan.

Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in dhammaan ciidanka joogay barta koontarool la xiray, islamarkaana Ciidanka Booliska ay wadaan baaritaanka falkaas.

Ciidamada Ilaaladda  Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho balse haatan loo bixiyay Maa’ida Hotel ayaa Xalay dilay Taliyihii Guutada Gorgor ee Kumaandooska Xoogga dalka Maxaadeey Saleebaan iyo ilaaladiisa xili uu gaari la socday.

Gaariga uu la socday taliyaha ayaa waxaa ka shakiyay Ilaaladda hoteelka,waxayna ku fureen taasi oo keentay dhimashadda Taliyaha iyo Ilaaladisia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.