spot_img

Booliska oo Soo Bandhigay Askarigii Xalay Dilay Labadda Ruux+Sawir

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay askari ka tirsan Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya oo xalay magaaladda muqdisho ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa iyo haweeney Umul aheyd.

Askariga falkaan geystay ayaa lagu magacaabaa D/Le booliis Xasan Aadan Xasan oo 24-sano jir ah.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in gacan ku dhiiglaha si deg deg ah maxkamad loo saari doono si loogu qaado dambiga dilka ah uu xalay ka geestay magaaladda Muqdisho.

Xalay xiligii uu bilaabanayay Bandowga saaran Magaalada muqdisho ayaa askari ka tirsan Dowladda Soomaliya waxa uu si bareer u dilay Laba Ruux oo kala ahaa Wiil dhalinyaro ahaa iyo Haweeney Umul aheyd.

Labada Marxuun uu askarigan dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17 sano jir aheyd iyo  Xasan Cali Cadaawe oo isna  24 sano jir ahaa.

 

 

Related Post

Wararka