Beesha Caalamka oo War Kasoo Saartay Heshiiska Dowladda iyo Ahlusuna

Beesha Caalamka ayaa bogaadisay hehiiska dowlada federaalka Somalia iyo hogaanka  maamulka Ahlusunna waljamaaca hishiiskaasi oo ay wadagaareen labada dhinac 12kii bishan aynu kuguda jirno.

Warsaxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu bogaadiyay heshiiska laba geesoodka ah ee ay wada gaareen dowlada federaalka Somalia iyo hogaanka maamulka Ahlusunna waljamaaca.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka waxaa lagu yiri

“Waxaan bogaadineynaa dadaaallada aan daalka laheyn ee ay sameeyeen dowlada federaalka somalia,hogaanka maamulka Ahlusunna waljamaaca  iyo dhamaan danleeyda siyaasadeed ee kaqeyb qaatay sidii wadaxaajood iyo wadahadal looga gaari lahaa kala aragti duwanaashaha dowlada federaalka somalia iyo hogaanka Ahlusunna waljamaaca,waxaan aaminsannahay in ay muhiim tahay in tallaabo horay loo qaado si soo aasaaso maamul mideysan islamarkaana dagan kaa oo ay yeeshaan bulshada reer galmudug taasi oo muhiim u ah horumarinta waxyaabaha hortabinta uleh danaha qaranka sanadda 2020”.

Dhinaca kale warsaxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka waxaa lagu yiri “waxaan dhiiragalineynaa in lasii wado dadaallada iyo hanaanlka laiskugu soo dhaweynayo bulshada reer galmudug taasi oo ah mid muhiim u ah sidii loo xaqiijin lahaa midnimada bulshada reer galmudug”.

warsaxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka waxaa loogu baaqay in dowlada federaalka ay ka shaqeso sidii ay u dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah taasi oo ay ku qanci karaan bulshada ree Galmudug.

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.