Beesha Caalamka oo Ka Hadashay Heshiiskii Madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliya

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay Heshiiskii Magaaladda Nairobi ee Caasimada kenya ay kuwada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo kenya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo Uhuru Kenyata.

Qoraal kasoo baxay Dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee bahwadaagta la ah dalka Soomaaliya sida AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany,IGAD, Italy,OIC, Sweden, Turkey, Uganda, UNSOM iyo Maraykanka ayaa Lagu Soo Dhaweeyay Heshiiska Labadda Dal.

“Waxaan ammaaneynaa dadaalada shaqsi ee ay geliyeen labada hogaamiye sidii loo horumarin lahaa xiriirka u dhexeeya  Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in heshiiska labada wadan uu yahay mid u horseedaya horumar shacabka labada dal,uuna saameyn xoog leh ku yeelanayo horumarka guud ee Geeska Afrika,”ayaa lagu yiri bayaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.