spot_img

Barakac Xooggan Oo Ka Socda Magaalada Boosaaso

Warar ka imaanaya Gobolka Bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maanta ay aad u kacsantahay Xaalada Maagaalada Boosaaso islamarkaasna ay jirto xiisad dagaal

Xiisadaan ayaa cirka isku see shareertay kadib markii ay fashilmeen wada hadalo lagu xalinayay xiisada Boosaaso

Waxaana jirta in labada dhinac ay wali hanjabaado culus hawadac isku marinayaan

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ciidamo badan iyo gaadiidka dagaal kusii daabulaya Magaalada

Waxaana taasi ay sababtay in qoysaska qaar ee ka agdhaw hoobta ay dhufeysyada ka qoteen labbada dhinac ay iskaga barakacaan Magaalada Boosaaso

ilo deegaanka ah oo ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in ay arkayaan Ciidamo aad u hubaysan iyo abaabul xoogan oo ay wadaan Dowladda iyo Ciidamada kasoo horjeeda ee PSFta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Dani ayaa saacado ka hor weerar afka ah ku qaaday Taliska Ciidanka Spfta isagoo sheegay dalku uu Ciidanka yeelanayo Ciidanka rag leeyahayna uusan ubaahnayn

Warar hoose oo ay idaacadda simba heshay ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland uu amar ku bixiyay in la weeraro Ciidamada PSFta si Loo soo afjaro Xiisada

Related Post

Wararka