spot_img

Banaanbax Maanta Lagu Waday in Muqdisho Ka Dhaco oo Dib Loo Dhigay

Waxaa dib loo dhigay banaanbax maanta oo khamiis ah lagu waday in uu ka dhaco magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Duqeyda dhaqanka oo uu hogaaminayay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ku guuleystay in la baajiyo banaanbaxa lagu waday in Magaaladda muqdisho uu ka dhaco.

Kulan ay yeesheen Guddiga qaban qaabada banaanbaxa iyo odayaasha dhaqanka ayaa lagu go’aamiyay in banaanbaxa dib loo dhigo.

Sidoo kale labadda dhinac ayaa ku balamay in maalinta Axadda ah dib u kulmaan si ay ugaga wadahadlaan xilliga la qabanayo banaanbaxa.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hor yimid banaanbaxa,balse wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Soomaliya ay fasaxday in banaanbaxa la qabto.

Related Post

Wararka