Banaanbax Ka Socda Degmada Dharkeenley + dhageyso

Bannaanbax ka dhan ah maamulka degmada Dharkeenley ayaa kasocda degmadaasi, waxaana banaanbaxaan dhigaya dad barakacyaal ah.

Kaamka badbaado oo ka mid ah kaamamka magaalada muqdisho ayuu ka socdaa banaanxani waxaana isku soobaxay dadkii danyarta ahaa ee deganaa kaamka kadib markii uu maamulku ku war galiyay in ay banneeyaan kaamkaasi, qaar ka mid ah bannaan baxayaasha oo  idaacadda Simba la hadlay ayaa sheegay in ay ka xun yihiin sida uu maamulku ula dhaqmay.

Waxaa la xiray guddoomiyihii Kaamka oo u xiran maamulka degmada, waxaana sidoo kale ay inoo sheegeen in ilaa hadda lasoo dayn guddoomiyahoodii kaakma

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.