Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Kulan Ku Leh Xaruntiisa Magaaladda Muqdisho

Xildhibaanadda Barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta Xarunta Golaha shacabka ee magaaladda muqdisho ku yeelanaya Kulankooda koowaad Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah hadal Jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Akhrinta 1aad ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aan muuqan iyo Heshiiska Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska warfaafinta Golaha shacabka ayaa Xildhibaanadda loogu dalbaday in ay yimaadaan Xarunta golaha Shacabka si kulanka u qabsoomo.

“Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta oo taariikhda ay ku beegan tahay 19 Oct Yeelan-doona Kulankoodii 1-aad ee Kalfadhiga 6-aad Ajendaha kulanka ayaa ah Hadal Jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Akhrinta 1aad ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aan muuqan iyo Heshiiska Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga”,ayaa lagu yiri warka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.