spot_img

Axmed Madoobe oo Ku Fashilmay Qorshe Lagu Khaarijin Lahaa Xidig iyo Seeraar+Dhageyso

Madaxweynaha Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidamada qalabka Sida ee  ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa isku Khilaafay Amar uu bixiyey Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (axmed Madoobe) kaasi oo ku aadanaa in la Fuliyo Howlagalo qorsheysan oo lagu beegsanayo Goobaha ay Magaalada Kismaayo ka dagan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ah sida ay noo xaqiijiyeen Xubno ku sugan Kismaayo.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu ku Wargaliyey Ciidanka Amniga in la Bilaabayo Howlgalo ku aadan Baaris lagu sameynayo  Guryaha Cabdinaasir Seeraar iyo C/rashiid Xidig ay ka dagan yihiin Magaalada Kismaayo ka dib Markii looga shakiyey Falal Amni daro in abaabulayo,balse Saraakiisha Ciidanka Jubbaland ayaa sida la sheegay ka soo horjeestay Qorshahaa lagu bartilmaameedsanayo Siyaasitiinta Madaxweynayaasha Sheegtay ee ku sugan Magaalada Kismaayo, arintaas oo ay soo dhaweeyeen Siyaasiyiinta Mucaaradka ah.

Kaafiyo Cabdi Faarax oo ka mid Xildhibaanada Jubbaland Garabka Cabdirashiid oo la hadashay Idaacada Simba ayaa sheegtay inay Saraakiisha Ciidanka Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ay ku amaanayaan Goaanka ay ku Diideen amarka ka soo baxay Madaxtooyada Jubbalab ee ku ka Taliyo Madaxweyne Axmed madoobe.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa kacsaneyd Xaalada Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubba Hoose ka dib Markii halkaasi ay ka dhacday Shaqaaqo ku dhexeysa Ciidanka Amniga Jubbaland iyo Maleeshiyaad taabacsan Siyaasi la sheegay in gacan saar la leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo lagu eedeeyey in Gurigiisa laga Abaabulayey Falal Halis ku ah Maamulka Jubbaland.

 

 

 

Related Post

Wararka