Askari Dhuusa-mareeb Ku Dilay Nin Caan ahaa,Askariga Oo La Qabtay

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa askari ka Tirsan ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay Magaaladda Dhuusa-mareeb ku dilay Nin deegaanka caan ka ahaa.

Dilkaan ayaa ka dhacay xaafadda Horseed, Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayal Ciidamo ka Tirsan Ciidamadda Dowladda oo howlgal xaafadaas kawaday, ayaa mid kamid askartooda waxa uu rasaas ku furey mooto bajaaj uu la socday Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Siigaale), ka dib markii darawalkii mooto bajaajta aanu maqlin amar ay siiyeen ciidamadda.

Mid kamid ah Eheladda Marxuumka la dilay ayaa sheegay in askarta dilka geystay la yaqaano,ayna u baahan yihiin in lasoo qabto.

Howlgal ay saakay sameeyeen ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa suura-galiyay in lasoo qabtay askariga dilka ka dambeeyay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.