Aqalka Sare oo Dalbaday In Baaris Lagu Sameeyo Habraaca dhaqan galinta Xeerka Maaliyadda

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa codsaday in baaris degdeg ah lagu sameeyo been abuurista lagu sameeyay Habraaca dhaqan galinta Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka.

Qoraal kasoo baxay Gudoomiyaha Aqalka Sare oo la gaarsiiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in golaha shacabka wax ka bedel ku sameeyeen 27-qodob oo katirsan xeeka maareynta maaliyadda dalka.