AMISOM oo Bilowday Furista Wadooyinka Al-Shabaab Go’doomiyeen

Ciidamadda nabadd ilaalinta midowga Africa amisom ee Somalia iyo ciidamada xoogga dalka somaliyeed ayaa bilaabay howgalgallo wada furis ah howlgalladaasi oo ay kawadaan gobalka jubbadda hoose.

Ciidamadda amisom gaar ahaan kuwa dowlada Kenya iyo ciidamada xooga dalka somaliyeed ayaa waxa ay howlagallo wadafuris  ah kawadaan wadada iskuxirta degmooyinka Dhoobleey iyo Taabta kuwaasi oo dhaca gobolka jubadda hoose waxana ay sheegeen saraakiisha amisom in ladoonayo howlagalladan wadafurista ah in lagu fududeeyo isku socodka  dadka iyo gaadiidka xamuulka qaada ee isticmaala wadadada isku xirta degmooyinka dhoobleey iyo Taabta ee hoostaga gobalka jubbada hoose.

Sarkaal katirsan ciidamada Kenya ee wada howlgalka wadafurista ah oo lagu magacaabo Dikson Ruto ayaa  qoraal uu soo saaray waxa uu kuyiri

“Wadadan waaa waddo muhiim u ah iskusocadka dadka iyo gaadiidka si guud gaar ahaan maamulka jubbaland,si loo hubiyo iney jirto dhaqdhaqaaq xor ah oo ku aadan gaadiidka iyo dadka isticmaala waddadaas”

Sarkaalka lagu magacaabo Dikson Ruto oo sii hadlayay ayaa yiri “mid kamid ah shaqooyinka ugu muhiimsan ee howlagalka Amisom waa in aan furnaa wadooyinka ugu muhiimsan  ee iskusocodka dadka iyo gaadiidka,waxa eeynu dooneynaa inaan isku furno wadada xiriirisa dhoobleey ilaa kismaayo.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.