AMISOM oo Agab Gargaar ah Gaarsiiyay Dadka Ku Barakacay Beledweyne

Maamulka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa maalinimadii shalay agab gargaar ah gaarsiiyay dadka ku barakacay daadadkii dhowaan ku dhuftay degmada Beladweyne ee xarunta dowlad goboleedka HirShabelle.

Mucaawinadaan oo ka kooban bustayaal, weelal,maro kaneeco iyo kuwo kale,waxaa ku deeqay Maamulka Amisom ee  ku sugan Govolka Hiiraan,gaar ahaan ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee ka hoos shaqeeya AMISOM

Qalabkaan mucaawinada ah ayaa qeyb ka ah dadaal la doonayo in  lagu yareeyo dhibaatada soo gaartay barakacayaasha lagu khasbay inay guryahooda ugu cararaan daadadka ay sababeen roobab mahiigaan ah oo ku dhuftay Gobolkaasi.