Al-shabaab oo Weerar Xoogan ku Qaaday Saldhigyadda Ciidamadda Kenya

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Kenya iyo kuwa Shabaab oo ka dhacay saldhigyada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose.

Dagaaalka ayaa ka dhacay degmada Qooqaani  ee Gobolka Jubba-dda Hoose.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada  Al-shabaab ay dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ay ciidanka Kenya iyo Kuwa Maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Qoqaani.

Labadda dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay degmada Qooqaani  ee gobolka Jubadda Hoose.

Al-shabaab iyo Ciidamada Kenya wali wax war ah kama soo saarin dagaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.