Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Qaraxii Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Al-shabaab ayaa ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo ahaa mid naf hurnimo

“Qaraxii ismiidaaminta ahaa oo Shabaab ay ka fuliyeen dhabarka dambe ee xarunta Baarlamaanka waxaa ku dhintay 9 kamid ah askarta Dowladda 24 kalane dhaawacyo ayaa kasoo gaaray” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Inta la xaqiijiyay sadex qof uu ku jiro ninkii waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa ku geeriyooday qaraxa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan afar qof oo kale oo shacab ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.