Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Qaraxii Ismiidaaminta Muqdisho

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Weerarkaan ayaa lagu beegsaday saldhig melleteri ee kaabiga ku haya garoonka ciyaarahA Muqdisho Stadium ee Magaaladda muqdisho.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyaddan isqarxinta ah oo lagu beegsaday saldhigga guutada 27aad taas oo aan ka fogeyn xaruntii Xisbiga ee degmadda Wardhiigleey.

“Al-shabaab ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday saldhigga guutada 27aad ee Ciidamadda Dowladda oo kutaalla dhabarka dambe ee xaruntii xisbiga waxaana jira khasaara xooggan oo isugu jiro dhimasho,dhaawac iyo burbur gaadiid” ayaa lagu yiri war si hordhac ah ugasoo baxay Al Shabaab.