Al-shabaab oo Soo Bandhigay 53 ruux oo Kamid ah Ergadii Doorashadda+Sawirro

Al-shabaab ayaa soo Bandhigay 53 ruux oo kamid ah ergadii soo xulay xildhibaanada Baarlamanka Dowladda Federaalka kuwoodii kasoo galay Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle.

Ergooyinkaan ayaa lagu bandhigay Deegaanka Kuunya Barrooe ee Shabeelaha hoose.

Munaasabadda lagu bandhigayay ergooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin iyo culimaa’udiin waxaana kamid ahaa Sheekh Fu’aad Max’med Khalaf iyo Sheekh Abuu Usaama Gudoomiyaha Shabaab ee Sh/hoose.

Sheekh Fu’aad ayaa Odayaashii dhaqanka ee goobta ku sugnaa ugu baaqay in ay ka qeyb galaan halganka Jihaadiga ah ee ka socda dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.