spot_img

Al-Shabaab Oo Sheegtay in ay Gacanta ku Dhigeen Askari ka tirsan Dowladda

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegteen qabteen Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka ah xili Uu kusocdaalayay waddada dheer eee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye

Wararka Al-Shabaab ay ku baahiyeen barahooda intarneetka waxa ay ku sheegeen in Howlgal gaara oo xubno ka tirsan ay ka fuliyeen deegaan dhaca duleedka magaalada Muqdisho ay nolasha ku qabteen askari ka tirsan dowladda federaalka ah

waxaana askarigan ay sheegeen in uu sannado badan ka tirsanaa Ciidamada booliska dowladda.

Si gaar ah waxaa lagu sheegay warkasoo baxay Al-Shabaab in deegaanka Xaawa Cabdi ee dhaca wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye lagu qabtay askarigaan oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Cabdi Cismaan.

Alshabaab ayaa intaas ku daray inXuseen Cabdi Cismaan oo ah askariga nolasha lagu soo qabtay uu Ciidamada booliska dowladda federaalka ka tirsanaa tan iyo sannadkii 2008-dii oo uu ku biiray

Related Post

Wararka