Al-shabaab oo Sheegay in uu Ka Badbaaday Xildhibaan Carabow

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxa miino oo caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxaan ayaa la dhigay afafka hore ee Maqaayadda Alcaasimah oo galabta xariga laga jaray.

War rasmi ah oo kasoo baxay Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxan oo lagu beegsaday gaadiid uu la socday Xildhibaan C/Qaadir Caraboow oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka dowladda.

Al Shabaab waxay sheegtay in qaraxu uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen Ciidamadii ilaalada u ahaa Xildhibaan Caraboow.

“Mujaahidiinta ayaa caawa qarax ku beegsaday gaari ay la socdeen Ciidamo ilaalo u ahaa Xildhibaan katirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya, qaraxa barakaysan ee mujaahidiintu ka fuliyeen wadada Makka Al Mukarrama waxaa ku dhintay 3 askari oo kamid ahaa ilaalada xildhibaanka badbaaday” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.