Al-shabaab oo Sheegay in ay Dileen 9-askari oo Kenyaan ahaa

Al-shabaab ayaa ka hadlay weeraro ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ayaa weerar ka fuliyay meel ku dhow saldhigga ciidamadda KDF ay ku leeyihiin deegaanka Ceelraam.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan  9 askari Kenyaan ah islamarkaana lagu gubay illaa Afar gaari oo qaarkood ay yihiin nuuca gaashaaman ee Taawga loo yaqaan.

Weerarkaan ayaa yimid kadib markii ciidamadda Kenya ay kasoo baxeyn saldhigga ay ku leeyihiin Ceelraam waxayna kusii jeedeen dhanka Xuduud beenaadka gaar ahaan wadad aadda degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.