Al-shabaab oo Qorshaynaya Weeraro ay Ka Geystaan Magaaladda Muqdisho

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish),ayaa sheegay in Al-shabaab ay damacsan yihiin weeraro ay ka geystaan magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Cumar Filish oo ka hadlayay goob lagu soo bandhigay xubno la sheegay in ay weerareen habeen ka hor xarunta Degmadda Deyniile ayaa sheegay in Shabaab ay qorshaysnaa weeraro xoogan oo geysta khasaare.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish), ayaa shacabka Magaaladda Muqdisho ka dalbaday in ay Booliska la socod siyaan xogta Shabaab.

“Shabaab waxey damacsan yihiin weeraro cusub. Waa nasiib daro weyn in waqtigaan ay soo qaadan weeraro noocaas oo kale ah, waxaan shacabka Muqdisho u sheegeynaa inay ka feejignadan dhagarta Shabaab oo ay soo sheegaan xogta iyo hadii ay Qof ama gaari ka shakiyaan”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.