Al-shabaab oo Magaaladda Muqdisho Ku Dilay Sarkaal La Shaqeynayay Mareykanka

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa Magaaladda Muqdisho ku dilay Sarkaal ka Tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana wada shaqeyn la lahaa Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodon magaalada Muqdisho.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Muuse Abuukar Max’med Nuuroow wuxuuna kamid ahaa ciidamada AFRICOM uqaabilsanaa sahminta goobaha weerarada habeen dheelmadka ah lagu qaadayo deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ragga dilka fuliyay ayaa horey usii qaatay bastoolad uu watay sarkaalka ladilay, Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka sarkaalka.

“Mujaahidiinta ayaa degmada Hodon ku khaarijiyay Muuse Abukar Axmad Nuuroow oo katirsanaa Ciidamadda  Bangarafaata wuxuu cadowga kusoo hogaamin jiray deegaanno katirsan Sh/hoose” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.