Al-shabaab Oo Lacago U Qeybiyay Qaar Kamid Ah Masaakiinta Magaalada Muqdisho+Sawirro

Al-shabaab ayaa Shaacisay inay soo gaba-gabeysay Mashruuc Lacago  Sako ay ku sheegtay ay ugu qeybinaysay Boqolaal Qoys oo ku nool Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegtay in Munaasabad ka dhacday Muqdisho oo uu ka qeybgalay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir u qaabilsan Al-shabaab Muuse Cabdi Carraale,kaas oo soo xiray Mashruucaan lacago Sakawaat-ka ah loogu qeybiyey 150 qoys oo kamid ah dadka masaakiinta ah ee ku dhaqan Gobalka Banaadir.

 

Qoys walba oo kamid ah qoysaskaas 150 ah ayaa waxaa la sheegay in la siiyey  lacag gaaraysa $500 oo doolar taas oo ah qoondo ugu  soo aadday Sakawaatkii Al-shabaab ay ka qaadeen Deegaanada ay maamulaan.

 

jiritaanka Warkaan ayaa la sheegay in uu muujinayo in Dowladdu aysan Xog badan ka heyn Dhaqdhaqaaqa al-shabaab ay ka wadaan Magaalada Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.