warar aan ka helayno gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay maanta dib ula wareegeen deegaan ay iskaga bexen ciidamada amisom gaar ahaan kuwa uganda
Ciidamada amisom ayaa waxa la sheegay in aroornimadii saakay ay iskaga bexeen deegaanka mashallay oo ku yaal inta udhaxeysa degmada qoryooley iyo magaalada buula mareer oo dhamaantood ka tirsan gobolka shabeelaha hoose
Al-shabaab wararka ay barahooda intarneetka ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen in ay dagaal la,aan ay kula wareegeen deegaanka mashallay islamarkaasna ciidamada amisom ay cabsi darteed uga carareen
al-shabaab ayaa sheegtay in deegaankaan ay dib maanta ula wareen ay ka qabsadeen ciidamada amisom muddo hada laga joogo 7 sano wixii xiligaasi ka danbeyana ay weeraro qaraxyo ah la beegsan jireen ciidanka amisom gaar ahaana marka ay saadka doonanayaan taasi oo keentay in ugu dambeyn maanta ay iskaga baxaan ayaa lagu yiri warkasoo baxay al-shabaab
ciidamada amisom oo soomaaliya ujooga nabad ilaalin ayaa degmada qoryooley iyo deegaanka mashallay al-shabaab kala wareegan sanadkii 2014 lamana oga sababta rasmiga ah ee ay ciidamada amisom gaar ahaana kuwa uganda ay maanta ubaneeyeen deegaanka mashallay oo ahaa mid muhiim u ah isku socodka deegaanada hoosyimada degmada qoryooley
sidookale taliska ciidanka amisom wax war ah kama soosaarin ciidamada maanta iskaga baxay deegaanka mashalllay ee gobolka shabeelaha hoose