spot_img

Al-shabaab oo Ka Hadlay Weerar Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Lamu

Al-Shabaab ayaa ka hadlay weerar dagaalyanadooda ay ku qaadeen deegaan ka tirsan Gobolka Lamu ee xeebta ku teedsan ee dalka Kenya.

Sida lagu baahiyay warbaahinta Shabaab dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaan kaabiga ku haya magaalada Mpeketoni ee istiraatiijiga ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamadoodu ay howlgal ka fuliyeen tuulo 9Km ujirta Mpeketoni

“Shabaab waxay howlgal qorshaysan ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Lamu, waxay gubeen guryo ay deganaayeen dad gaalo ah Mooti iyo agabyo kalane way soo qaniimeysteen” ayaa lagu yiri war ay baahisay warbaahinta Shabaab.

Sidoo kale warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay Al Shabaab ay galeen tuulo ku dhow Mpeketoni islamarkaana ay dab qabadsiiyeen inta badan guryihii tuulada ayna gacanta ku dhigeen hanti ay lahaayeen dadka Kenyaanka ah.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladd kenya oo loogu hadlaayo weerarka shabaab ay ka geysteen deegaan ka tirsan Gobolka Lamu ee xeebta ku teedsan ee dalka Kenya.

 

Related Post

Wararka