Al-shabaab oo Ka Hadlay Mas’uuliyiintii Garas-baaley ee Qaraxa Lagu Dilay

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka Tirsanaa maamulka Deegaanka Garas-baaley ee hoos yimaadda Maamulka Gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Isgoyska Ex.control Afgooye ee galbeedka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu dilay laba mas’uul iyo askari ilaala u ahaa

“Qarax ka dhacay Ex.Control Afgooye ayay mujaahidiintu ku dileen guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda uqaabilsanaa maamulka Garasbaaleey iyo sarkaal kale, sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay mid kamida ciidamadii ilaalada u ahaa saraakiisha” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gabi ahaanba uu burburay gaarigii qooqanka ahaa ee uu qaraxu beegsaday islamarkaana ay la socdeen saraakiisha dhimatay.