Al-shabaab oo Howlgalo Ka Fuliyay Goboladda Banaadir iyo Shabeelada Hoose.

Ciidamadda Xarakada  Al-shabaab waxey saacadihii lasoo dhaafay howlgalo kala duwan ka kala fuliyeen qeybo ka mid ah Goboladda Banaadir iyo Shabeelada hoose.

Howlgalka hore oo qarax ah waxaa lala beegsaday isgoyska Howlwadaag goob ay ku sugnaayeen Ciidamadda Dowladda Somalia, Waxa uu qaraxan sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dhanka Shabeelada hoose waxey ciidamada Shabaab dagaallo saf ballaaran ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Dowladda ay ka kala sameysteen degmada Jannaale iyo halka loo yaqaano Mashalaay oo dhacda duleedka degmada Qoryooley.

Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan in dagaaladaas ay sababeen dhimashada iyo dhaawaca tiro askar ah oo isugu jirta AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Labo Maalin ka hor ayeey aheed markii qarax ka dhacay duleedka magaalada Marka lagu gubay gaari Xamuul ah laguna dilay Saddex askari oo ah kuwa Uganda waxaana ku dhaawacmay hal askari oo isla Yugandheyska ah.

Dagaalyahanadda Shabaab ayaa mudooyinkii dambe fulinayay weeraro gaadmo ah, iyo qaraxyo loo adeegsanayo Miino dhuulka lagu aasayo.

Shabaabka ayaa laga saaray degmooyin iyo deegano ay kaga sugnaayeen Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii ay halkaas tageyn ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.