Al-shabaab oo Dilay 23-askari oo Dowladda Ka Tirsanaa Kuwa Kalana Nolasha Ku Haya

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegtay in 23-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaiya ay ku dileen dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Ceel-Saliini ee Duleedka magaaladda marka.

Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalyahanadoodu aroornimadii hore ee saaka ay cagta mariyeen Ciidamadii ku sugnaa saldhigga Ceel-Saliini.

Abuu Muscab ayaa sheegay in ugu yaraan 23 askari oo ka mid ahaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya Soomaalida lagu dilay weerarkaas, sidoo kalena nolosha lagu qabtay askar dhowr ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay ‘Shabaab’ xeradaas kasoo ganiimeysteen ugu yaraan 6 gaari oo kuwa ciidanka ah kuwaas oo saddex ka mid ah la sheegay inay saarnaayeen qoryo culus.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay inay soo ganiimeysatay keydadkii hubka ee yaallay xerada Ceel Saliini ayna gacanta ka soo dhigtay hub culculus iyo kuwo fudud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.