Al-Shabaab Oo Dagaal kula Wareegay Deegaanka Bacaadweyn Ee Gobolka Mudug

warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo la sheegay in aroornimadii saakay in uu ka dhacay deegaanka bacaadweyn ee gobolka mudug

dagaalka ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan alshabaab ay weerar xoogan ku qaadeen  saldhiga ciidamada dowladda ee deegaanka bacaadweyn ee bartamaha soomaaliya

waxaana lasoo sheegayaa in qasaare kala duwan oo isku jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalka saaka aroorti ka dhacay deegaanka baacaadeyn oo ka tirsan gobolka mudug.

Al-shabaab warar ay barahooda interneetka ay ku faafiyaan waxa ay guulouga sheegteen dagaalka ka dhacay deegaanka bacaadweyn

waxaa al-shabaab ay sheegeen in dagaalamayaal ka tirsan ay weerar culus ay ku qaadeen saldhiga deeegaanka islamarkaasna ay gabi ahaanba ay gacanta ku dhigeen deegaanka bacaaweyn ee gobolka mudug

Al-shabaab wax faafaahin ah kama bixin qasaaraha ka dhashay dagaalka balse waxa ay sheegeen in gaadiid fara badan oo nuuca dagaalka ah ay ku la wareegeen dagaalka saaka arooti ay ku qaadeen saldhiga ciidanka dowladda ee deegaanka bacaaweyne

mjirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda oo looga hadlayo dagaalka la sheegay in saakay uu ka dhacay deegaanka bacaadweyn ee gobolka dagaalkaasi oo al-shabaab ay sheegeen in ay ku qabsadeen gacan ku heynta deegaanka bacaadweyn

mid ka mid ah dadka deegaanka oo idaacada simba la hadlay ayaa waxa uu sheegay in deegaanka bacaadweyn ay la waeegeen Al-shabaab islamarkaasna haatan uu ka soconayo dagaal xoogan kaasi oo ah mid rogaal celis ah oo ay ciidamada dowladdu soo qaadeen

waxaana uu sheegay in ay maqlayaan jug culus oo ay isku adeegsanayaan labada dhinac